Puntland oo sii daysay markabka MV Sea World oo hubsiday

Boosaaso (RH)-Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah sii daayay markabka MV Sea World, oo siday hub iyo agab kale, kaasoo wax ka badan labo tobaad ku sugnaa dekedda Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa ku kulmay magaalada Boosaaso, waxaana halkaas looga dhawaaqay in Turkiga lagu wareejinayo markan oo 16 cisho ka hor laga soo qabtay xeebaha degmada Bareeda ee Puntland.

Puntland ayaa sheegtay dawladda Turkiga in ay keentay cadeymo muujinaya hubkan in iyada la hayd loona waday dugsiga tababarka Ciidamada ee Soomaaliya ku yaalla ee TurkeySom.

MV Sea World

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku tilmaamtay waxa ay sameesay Puntland afduub iyo fal burcadbadeednimo ah, waxaana ay ku goodisay in ay qaadi doonto tallaabo xoog ah oo ay ku soo deyneyso markabkabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category