Qadada Bilaashka ah ee Dugsiyada Kolding oo Noqotay Mid Guuleysatay

Kolding – Toddobaadkii ugu horreeyay ee barnaamijka qadada bilaashka ah loogu qaybinayo ardayda fasallada 4-aad ilaa 6-aad ee Dugsiga Munkevængets ee magaalada Kolding ayaa laga helay natiijooyin aad u wanaagsan iyo falcelin ballaaran oo laga muujiyay farxadda ardayda.

Sida uu sheegay Mikkel Vinther Motzkus, oo ah macallinka fasalka 4B, ardaydu waxay qadada u cunaan si rabitaan iyo farxad leh:

"Waxaan si cad u dareemaynaa in ardaydu ay hadda cunaan wax ka badan sidii hore, taasina waxay horseedday sheekooyin wanaagsan oo dhex mara ardayda iyo macallimiinta. Waxaan ka wadahadalnaa waxa aan cunayno iyo sababta ay muhiimka u tahay. Waxaan arkaa arday aad u faraxsan, isku-duubni xooggan, iyo jawi firfircoon oo ka jira goobta cuntada. Sidoo kale, waxaan arkaa in ardaydu ay maalin walba si weyn u sugaan xilliga qadada."

Inkastoo laga yaabo in xiisahan ay sabab u tahay maadaama ay tahay wax ku cusub ardayda, haddana bilowga mashruucan ayaa u muuqda mid rajo weyn leh.

cdrf

Mashruuca Tijaabada ah ee Qaranka

Dugsiga Munkevængets waa dugsiga keliya ee ku yaalla degmada Kolding ee ka qayb qaadanaya mashruuc tijaabo ah oo heer qaran ah, kaas oo socon doona inta u dhaxaysa sannadaha 2025 ilaa 2028. Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la ururiyo xog iyo khibrad ku saabsan qadada dugsiyada ee dalka Denmark, gaar ahaan sidii ay cuntooyinkan saameyn ugu yeelan lahaayeen caafimaadka, barashada, iyo ladnaanta ardayda.

Waxaa soo diyaariya shirkadda "Jespers Torvekøkken", waxaana loo qaybiyaa wadar ahaan 122 arday. Menu-ga cuntada ayaa raacaya talooyinka caafimaad ee qaranka, isagoo hubinaya in cuntadu tahay mid caafimaad leh, nafaqo leh, isla markaana kala duwan.

Toddobaadkii u horreeyay, ardaydu waxay heleen cuntooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin:

  • Tacos digir ah oo Meksikaan ah.

  • Cunto lagu kariyay hilibka turkiga (Kalkungryde).

  • Baaquli ay ku jiraan kaluunka Tun-ka iyo ukun.

  • Lasagna khudaar ah oo aad loo diyaariyay.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha dugsiyada, iyadoo la rajeynayo inuu tusaale u noqdo dugsiyada kale ee dalka.

ccfr

 

Radio Hormuud . Kolding

Category