Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Waxaa isasoo taraya qasaaraha ka dhashay qarax saaka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa aka dhacay Isgoyska Sayidka oo ah meel laga waardiyeeyo madaxtooyada Soomaaaliya isla markaana ka soo horjeeda dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere, oo saxaafadda la hadlay qaraxa kaddib, ayaa sheegay, qaraxa inuu ahaa mid lagu soo xiray ku jiray saf gaadidka lagu baaro, waxaa ku geeriyooday saddex ruux oo shacb ah iyo dhaawaca lix kale.

Dadka ku dhintey qaraa ayaa waxaa kamid ahaa agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda haweenka Bile Ismaaciil Diiriye iyo Cabdirashiid Sharaar oo kamid ahaa la-taliyeyaasha xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo lagu daweynayo qaar kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda qaraxa, balse qaraxyada noocan oo kale.

Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha caasimadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category