Qof ama koox waxa ay doonayaan dalkaan uma dabranaanayo

RH: Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay, dalku inuusan u dabranaanayn shakhsi iyo ama koox uu ku tilmaamay inay doonayaan in kaligood la dhegaysto oo la fuliyo danahooda.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay, Soomaaliya inay kasoo daashay in loo dabarnaado koox gaar ah. Wuxuu sheegay qorshaha ay dowladdu diyaarisay inay ka go’an tahay in lagu dhaqaaqo haddii uu barlamaanka meel mariyo.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inay jiraan siyaasiyiin rabitaankooda gaarka ah iyo danahooda ku mucaaradsan Dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay Dowladda inay dhowr jeer ugu baaqday inay miiska  yimaadaan oo ay qeyb ka qaataan gaarista talada dalka.

“Dastuurkeennu waa inuu dhameystirmaa. Anaa maqan looma baahna. Haddaad maqan tahay, kaalay imow. Cidi kuma haysato. Ma cidbaa kuu diidan. Waliba waa lagu tuug tuugayaa, caqligaagaa loo baahan yahay. Waana laguu tanaasulaa, laakiin soo farriiso,” ayuu yiri Xamse.

Xamse wuxuu si adag u difaacay heshiis qaabaynta doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed. Wuxuu sheegay sababta dowlad goboleedyada loogu kordhiyay hal sano in ay tahay in la mideeyo doorashooyinka.

 

Category