Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Axad ah cudurka Corona u geeriyooday Wasiiru dowlihii Cadaalada Hirshabelle Xildhibaan Khaliif Muumin.
Weriyaha Radio Hormuud ee Muqdisho, ayaa soo sheegaya in geerida wasiiru dowlaha ay xaqiijiyeen ehelkiisa maadama uu ka mid ahaa sagaal ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay Fayraska Coron.
Wasiirka ayaa noqonaya qofkii labadaa ee cudurkaan ugu geeriyooda gudaha Soomaaliya, Khaliif Muumin waxa uu ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee UK.
Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee dowladda Federaalka Fowsiya Abiikar Nuur oo xaley shir jaraa'id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.
Wasiirka caafimaadka waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia