Ruushka iyo Wasiir Bayle oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya

Djibouti (RH)-Wasiirka maaliyaddda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Jabuuti kula kulmay danjiraha Ruushka ee Soomaaliya, Mikhail Golovanov sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Kulanka labada masuul ayaa arrimaha looga hadlay waxa ku jirta dedaaladda loogu jiro in deymaha lagu lee yahay Soomaaliya laga cafiyo.

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka dowladda Russia ee Soomaaliya MikhailGolovanov oo aan ka wadahadalnay arrimaha deyn-cafinta Soomaliya" ayuu yiri Wasiir Beyle qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter.

Ruushka waa dalka labaad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya,waxaana Wasiirka iyo danjiraha ay kulankooda diiradda ku saareen sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.

Deynta guud ee lagu leeyahay Soomaaliya ayaa gaareysa $4.6 bilyan oo dollar, taas oo ay ku jirto midda Mareykanka, waxaana deymahaas intooda badan qaadatay dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category