Sacuudiga oo martigelinaya shir-madaxeedka dalalka Islaamka iyo Carabta oo lagu dalbanayo joojinta dagaalka Gaza

Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah martigelineysa hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta oo shir aan caadi ahayn oo wadajir ah uu uga furmay magaalada Riyadh, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay awooddeeda isugu gaysay si ay Mareykanka iyo Israa'iil ugu cadaadiso in la joojiyo colaadda Gaza.

Hoggaamiyeyaasha jooga Riyadh waxaa ka mid ah madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, kaasi oo la filayo in uu si adag u cambaareeyo duqeymaha Israa’iil ee Gaza, iyo in uu diro baaq ah in la joojiyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo horraantii sanadkan dib loogu soo dhaweeyay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir madaxeedka.

Raisi ayaa intii uusan gaarin Riyadh sheegay in la gaaray waqtigii wax laga qaban lahaa colaadda, halkii laga hadli lahaa.

“Gaza maaha garoon lagu hadlo. Waa in ay noqotaa mid ficil ah,” ayuu yiri isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Tehran ka hor inta uusan dhoofin. “Maanta, midnimada dalalka Islaamka waa mid aad muhiim u ah,” ayuu raaciyay.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee Tasnim ayaa sheegtay in Raisi uu soo jeedin doono in dalalka Muslimka ah ay Israa’iil ka mamnuucaan in ay hawadooda isticmaasho, ayna ka hor tagaan in Maraykanku uu saldhigyadiisa ciidan ee gobolka uu hubka uga soo raro Israa’iil.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Jimcihii cambaareeyay “waxa Marinka Gaza uu kala kulmayo weerarrada militari, beegsiga dadka rayidka ah, ku xad-gudubka sharciga caalamiga ah ee maamulka gumeystaha ah ee Israel”.

Bariga Dhexe ayay xaalad cakirnaan ah ka taagneyd tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaasi oo ay ku dileen dad ka badan kun qof.

Tan iyo markaasi, Israa’iil ayaa kordhisay weerarka ay ku hayso Gaza halkaasi oo ilaa Jimcihii lagu dilay 11,078 oo ka mid ah dadka Gaza kuwaasi oo 40% ka mid ah ay yihiin carruur, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

 

Kala qeybsanaanta Carabta

 

Dagaalka ayaa xalay ku sii xoogeystay meel ku dhow isbitaallada sida weyn u baaxdhaafay ee magaalada Gaza, iyadoo saraakiisha Falastiiniyiinta ah ay sheegeen in lagu garaacay qaraxyo iyo rasaas.

Dagaalka ayaa wax xoogaa kala fogeeyay xulufadii soo jireenka ahaa ee Bariga Dhexe iyada oo Riyad ay si dhow ula xiriirto Iran, ka hortimid cadaadiskii Maraykanka ee ahaa in ay cambaareeyso Xamaas, islamarkaana hakisay qorshayaashii socday ee ay ku caadiyeyneysay xiriirka Israa’iil.

Safarka Raisi ee Sacuudiga ayaa ah booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Iiraani ah uu ku tago tan iyo markii Tehran iyo Riyadh ay soo afjareen sanado badan oo colaad ah ka dib heshiis uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa oo ay gaareen bishii March.

Wasiirada arrimaha dibadda Carabta, oo Khamiistii yeeshay shir degdeg ah si ay usii diyaariyaan shir madaxeedka Riyadh ka dhacaya, ayaa ku kala qaybsamay, iyadoo dalalka qaarkood, oo ay ugu horreyso Aljeeriya, ay ku baaqeen in la jaro dhammaan cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ay Carabtu la leeyihiin Israa'iil, laba xubnood oo ka tirsan ka qeybgaleyaasha ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Waxa ay sheegeen in koox ka mid ah dalalka Carabta, oo xiriir diblumaasiyadeed la leh Israa’iil, ayaa dib u riixay dalabkaasi, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in ay sii furnaadaan marinnada wadahadalka ee ay la leeyihiin xukuumadda Netanyahu.

 

xigasho VOA

Category