Sawirro: Muqdisho oo markii shanaad ay ku kulmanaan Xasan Sh iyo Mucaaradka

Muqdisho(RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta mar kale ka furmay shir u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee la baxay golaha samatabixinta.

Shirka oo ka furmay xarunta madaxtooyada waa kii shanaad ee dhinacyadan ay yeeshaan, waxaana shirkan uu uga duwan yahay kuwixi horre in shirka looga hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo wax ka baddel lagu sameeyay qaybo ka mid ah dastuurka kumeel gaarka ah.

Dhinaca kale, xubnaha mucaaradka ayaa shirar gaar-gaar ah ku yeeshay hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, si ay isu waafajiyaan mowqifyadooda isla markaana u diyaariyaan jawaabo suuragal ah haddii wada-hadalladu fashilmaan.

Arrin kale oo dhacday ayaa ah in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu Talaadadii booqday xarun diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo ku taalla Muqdisho, halkaas oo uu ka qaatay kaarkii cod-bixinta.

Shirka mucaaradka iyo dowladda oo ka furmay MuqdishoShirka mucaaradka iyo dowladda oo ka furmay MuqdishoShirka mucaaradka iyo dowladda oo ka furmay MuqdishoShirka mucaaradka iyo dowladda oo ka furmay Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category