Sheekada labo ka mid ah dadkii ku dhintey qarixii Liido ee Muqdisho

Muqdisho (RH)- Alle ha unaxariisto saaxibadeen iyo walaalaheenImage removed.

Ahmed alhaaji iyo fahad mohamed oo ahaa laba dhalinyaraa saaxibana ahaa oo xalay isku wada raacay xeebta liido, ayaa ku geeriyooday dhacdadii foosha xumeed ee lagu xasuuqay dadkii ku caweenayay xeebta.

Si gaara saaxiibkey Ahmed alhaaji waxa uu ahaa siiriyaan, ka soo tagay dalkiisii iyo dadkiisii si uu uhelo nolol iyo daganaasho dhaanta xaalada ka jirtay dalkiisa, balse muddo sanad ka yar oo uu joogay somaaliya xalay waxa uu ka mid noqday shacab lagu xasuuqay xeebta liido.

Ahmed oo aan daris iyo saaxiibo nahay waxa uu ahaa nin dad jecel bashaash ah, waxa aanan ilaabin hadal oo igu yiri habeen aan bishii ramadan wadada airpor-ka mareenay kaa oo ahaa “ saaxiib waxaa rabaa inan somaali noqdo oo aan u ekaan ajaanib dadka aan barto la saaxibo, adne waxaa tahay qofka aan dadka ka bartay kala saaxibay ee ogowImage removed., runtii hadal saameen wayn igu reebay ayuu ahaa, waana midda xalay illaa maanta ii diiday harsi iyo hoyaad toona maydkiisa oo raadin dheer kadib caawa hoygiisii dhabtaa ku hubsaday.

Fahad mohamed asne waxa uu ahaa nin dhalinyaraa ahlu diina kana mid ahaa dhalinyarada masjidka sh. Cali suufi iyo xaafada kpp, dhawaan ayuu dhameeyay jamaacad waxa uu lahaa mustaqbal nololed balse xalay ayuu ku baxay musiibadii xeebta liido ka dhacday.

Alle ha unaxaxariisto aan uduceeno walaalaheen oo cafino wax kale uma awoodno.

W/Q:Zakariye Gooni

Category