Somaliland Oo laga Daah-furay Xarunta Daryeelka Iyo Xannaanada Xayawaanka Hariima-cadka.

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta daahfuray Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Xayawaanka Harimacadka.

S

 

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimayaal guud iyo marti sharaf kale.

R

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay furitaanka xaruntan lagu daryeeli doono laguna xannaanayn doono Xayawaanka Harimacadka oo beryihii u danbeeyey ay aad u badnayd Tahriibintiisu, taasi oo uu sheegay inay xukuumaddu aad uga hawl gashay.

RG

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahadceliyey Ciidamada kala duwan ee qaranka iyo Wasaaradda Deegaanka, sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen ilaalinka Xayawaankaasi oo faa’iido weyn u leh dalka kana mida xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

H2

 

Category