Subxaanyo cusub oo laga helay Soomaaliya

Hargeysa (RH)-Daraasad ballaaran oo muddo sanado ah socotay lagana sameeyay Subxaanyada ku nool dalka Soomaaliya ayaa dhowaan lasoo bandhigay.

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Camuud oo magaalada Boorame, ee Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku taalla – iyo Jaamacadda Charles – oo ku taalla Jamhuuriyadda Czech, ayaa soo socotay muddo 12 sano ah.

Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi oo ka mid ah baarayaasha daraasaddan waxna ka dhiga Jaamacadda Camuud oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in daraasaddu tahay mid ay soo bilaabeen baarayaal kale oo ajnabi ah, kuwaasoo sanadkii 2013 mid tan la mid ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Kooxda sameysay baaritaankan oo sidoo kale ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech ayaa waxaa gacan ka geysatay wasaaradda deegaanka ee Somaliland.

Xigasho: BBC

Category