Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shaqada laga joojiyay.

Muqdisho (RH)-Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta oo Arbaco ah shaaciye in Shaqada ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar oo ku magacdheeraa Xirsiile, kaas oo eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal ku yaalla Muqdisho si xoog ah ugala soo baxay bukaan maxbuus ahaa, kadibna dhintay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay in ruuxaas, oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Shaqo ka joojinta Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa timid kaddib markii saacadihii la soo dhaafay uu baraha bulshada qabsaday muuqaalka Taliyaha oo bukaan maxbuus ahaa oo lagu dabiiyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho kala baxaya.

Ehelada Bukaanka ayaa sheegay in markii Jeneraal Xirsiile uu la baxay Bukaanka uu u geeriyooday dayac iyagoo sheegay in aan la aasi doonin illaa cadaalad ay u helaan marxuumka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category