Tarjumaad. War saxaafadeedkii Itoobiya ee ciidamada Masaarida ee Soomaaliya imanaya.

RH: sidan ayuu ku bilaabmayaa

Bayaan Saxaafadeed oo ku Saabsan Xaaladda Hadda ee Geeska Afrika

Itoobiya waxay ka walaacsan tahay in kala guurka laga guurayo Hawlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una gudbayo howlgal cusub oo nabad ilaalin ah uu khatar u keenayo gobolka. Inkastoo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay isku diyaarinayaan kala guurkan, haddana gobolka wuxuu ku socdaa biyo aan la hubin. Codsiyo soo noqnoqday oo ka yimid Itoobiya iyo Wadamada kale ee Ciidamada Bixiya (TCCs) looma qaadan si dhab ah. Itoobiya waxaa laga filayaa inay iska indhatirto hadallada xanafta leh, iyo isku dayga joogtada ah ee lagu wiiqayo nafta ciidamada difaaca Itoobiya. Itoobiya kama ka aamusimeyso  inta kooxo kale ay qaadanayaan tallaabooyin lagu xasilinayo gobolka. Itoobiya si dhaw ayey ula socotaa dhaqdhaqaaqa  ka socda gobolka oo u horseedi kara khatar ku timaadda amnigeeda qaranka.

Itoobiya waxay si hagar la’aan ah ugu shaqeysay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka, si kor loogu qaado horumarka, waxayna xoojisay xiriirrada dhaxalgalka ah ee ka dhexeeya dadyowga gobolka. Itoobiya sidoo kale waxay ku hawlanayd wadaxaajood lagu xallinayo khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya. Horumar muuqda ayaa laga sameeyey wadahadaladan. Halkii laga sii wadi lahaa dadaalladan nabadda, Dowladda Soomaaliya waxay ku talaabsatey  la macaamilka dawlado dibadda ah  oo doonaya inay gobolka xasillooni darro ka ridaan.

Dhammaan kuwa masuulka ka ah diyaarinta iyo oggolaanshaha howlgal cusub oo nabad ilaalin ah waa inay tixgeliyaan walaacyada sharci ee dalalka gobolka iyo kuwa TCCs. Ciidamada isku dayaya inay sii kiciyaan xiisadaha si ay u gaaraan yoolalka gaaban iyo kuwa aan macnaha lahayn waa inay dusha u ritaan cawaaqibta daran ee ka dhalan kara. Itoobiya ma aqbali karto tallaabooyinkan khatar gelinaya guulaha laga gaaray dagaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee gobol iyo caalamkaba.

Itoobiya waxay u heellan tahay xallinta khilaafaadka si nabad ah waxayna la shaqaynaysaa dadka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka si looga hortago khataraha ku iman kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Addis Ababa, Itoobiya
28 August 2024

Category