Toban astaamood oo uu leeyahay hogaamiyaha wanaagsani.

RH: Hoggaamiyaha wanaagsani  wuxuu leeyahay tilmaamo dhowr ah oo muhiim u ah kartida hogaamineed,  Halkan waxaanu idiinku soo gudbineynaa toban tilmaamood oo uu leeyahay hoggaamiyaha fiican:

  1. Aragti iyo Himilo Cad: Hoggaamiye wanaagsani wuxuu leeyahay aragti cad oo ku saabsan halka uu doonayo inuu gaadhsiiyo cida uu hogaaminayo, wuxuuna awoodaa inuu dadka kale ku dhiirrigeliyo inay la rumeeyaan  himiladaas.

  2. Kartida Isgaarsiinta: xidhiidhka isgaadhsiineed oo wanaagsan ayaa muhiim u ah hoggaamiye kasta. Waxaa sidoo kale muhiim ah habka gudbinta fariinta , waa in uu  awoodaa in uu  si cad, hufan, oo  waxtar leh u gudbinkaraa fikradaha, yoolalka, iyo baahida bushada uu hogaaminayo.

  3. Daacadnimo iyo Kalsooni: Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu leeyahay daacadnimo iyo kalsooni lagu qabi karo, taasoo dadka kale u fududeynaysa inay ku kalsoonaadaan oo ay raacaan ama u hogaansamaan.

  4. Dhiirrigelin iyo Taageero: Waxa uu awoodaa in uu  dadkiisa dhiirrigeliyo si ay ugu taageeraan himiladiisa, sidaas ayaanu ku kasban karaa dad la shaqeeya oo karti iyo dadaal leh.

  5. Awoodda Go'aan-qaadashada: Hoggaamiye wanaagsan wuxuu leeyahay awood uu go'aanno degdeg ah oo sax ah u qaato, gaar ahaan xaaladaha adag.

  6. Xirfadda Xallinta Dhibaatooyinka: Waxa uu leeyahay xirfad uu ku xallinkar dhibaatooyinka iyo khilaafaadka si waxtar leh oo nabadgelyo ah.

  7. Xushmeynta Kala Duwanaanshaha: Waxa uu  ixtiraamaa kala duwanaanshaha iyo fikradaha kala duwan ee  jaale yaashiisa hawsha la wada, taasoo keenta hal-abuurnimo iyo horumar joogto ah.

  8. Kartida Maareynta Wakhtiga: Hoggaamiye fiican wuxuu leeyahay xirfad wanaagsan oo uu ku maareeyo wakhtiga, taasoo ka caawisa inuu wax ka qabto hawlo badan oo kala duwan si hufan usoo bandhigo.

  9. Isku-xirnaan iyo Wada-shaqeyn: Waxa uu abuuraa jawi wada-shaqeyneed isaga iyo kooxada shidhka la saaran ee hawsha la wada, waxayna  isku dhiirrigeliyaan inay uwada shaqeeyaan si ay u gaadhaan yoolalka guud.

  10. Ka-fiirsasho iyo Falcelin: Hoggaamiye wanaagsan wuxuu joogteeyaa dib-u-eegis iyo ka-fiirsasho ku saabsan waxqabadka hawsha loo igmadey , wuxuuna bixiyaa falcelin wax-ku-ool ah oo horumarsan.

Tilmaamahan ayaa ah kuwa lagama maarmaan u ah hoggaamiyaha wanaagsan ee doonaya inuu bushadiisa gaadhsiiyo horumar iyo guul waarta.

 

Diyaarinta : Mohamed-Amiin Siyad Abdi

Category