Ururka garoobada Soomaalida oo ay xubno badan ku biireen

Halkan ka dhagaysi wareysi BBC la yeelatay Hodan Maxamad Xasan oo ah gudoomiyaha ururka dumarka la furay ama raggoodii ka dhinteen ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Lammaanahaaga oo aad weydaayi waa masiibo aad u weyn. Haween badan oo ku nool daafaha dunida gaar ahaan dalalka soo koroya marka ay waayaan raggoodii waxay halgan dheer u galaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahah qoyska, iyaga oo ay tahay in ay buuxiyaan booskii seeyga geeriyooday, waxaa kale oo ay tahay in ay difaacaan xuquuqdooda iyo sumcadooda.

Tan iyo markii cudurka COVID-19 uu ka dilaacay dunida xaaladdu way ka sii dartay iyadoo rag badani ay dhinteen taasoo tobannaan kun oo haweena ka dhigtay garoob ama Carmal. Waxa la qiyaasaa in 258 milyan oo haweena oo ku nool dunida oo dhan ay yihiin maanta garoob kuwaas tobankii carmala ay midood ku nooshahay saboolnimo aad u hooseysa.

Hadaba Dunida maanta oo kale waxa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Garoobada.

Haddaba xaaladda haweenka Soomaaliyeed ee carmalka ah xiligan lagu jiro Korona Fayras waxan ka wareysanay Hodan Maxamad Xasan oo ah gudoomiyaha ururka dumarka la furay ama raggoodii ka dhinteen ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxayna khadka taleefanka magaalada Baydhabo ugu warantay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.

 

isha warka . BBC

 

Category