Waan imisa tirada ardayda imtixaanka dugsiga dhexe u fadhiistey Muqdisho 

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, ee ah kan ugu dambeeyay ee ardaydu ugu gudubto dugsiga sare.

Imtixaanka maanta billowday waxaa u fadhiistey 35,307 oo arday, sida uu sheegay ku simaha duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Ardaydan ayaa imtixaanka ku galaya 93 xarumood oo ku kala yaala degmooyink Muqdisho, waxaana ay ka socdaan 656 dugsi oo ku yaalla caasimadda.

Ardayda maanta imtixaanka u fadhiistey ayaa kala ah 15,541 gabdho iyo 19,766 willal ah, sida ay sheegeen agaasinka waxbarashada maamulka gobolka Banaadir.

Imtixaanka Dugsiyada Dhexe oo Muqdisho ka billowday

Imtixaanka Dugsiyada Dhexe oo Muqdisho ka billowdayImtixaanka Dugsiyada Dhexe oo Muqdisho ka billowdayImtixaanka Dugsiyada Dhexe oo Muqdisho ka billowday

Tirada ardayda baahiyaha gaarka qaba

Ardayda imtixaanka u fadhiistey waxaa ku jirta 41 ruux oo baahiya gaarka qaba, kuwaasoo 20 ay yihiin dhagoolayaal iyo 12 oo ah indhoolayaal.

Ammaanka goobaha imtixaanka ay ardayda ay ku galayaan ayaa aad loo adkeeyay waxaana loo xil saaray ammaankooda illaa 1500 oo askar boolis ah sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Imtixaanka dugsiga dhexe ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Khamiista.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category