Muqdisho (RH)- Inta badan wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xiray kaamirooyinka wax indha-indheeya, waana qaab cusub oo lagu adkeenayo amniga caasimadda, iyadoo weli dowladda iyo hey'addaha ammaanka la hardamayaan weerarrada Al-Shabaab.
Wadooyinka kaamirooyinka lagu xiray waxaa ka mid ah Makkah Al-Mukarama, Sayidka, madaxtooyada iyo tan soo gasha tiyaatarka iyo xaawo taako.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Al-Shabaab ay toddobaaddii horre weerartay hotelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo askar badan oo ah kuwa koofiya guduudka lagu soo daadiyay.
Askarta ayaa si weyn u baaraya dadka iyo gaadidka.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia