Muqdisho (RH)-Magaalaa Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah soo gaaray wafdi ka socda dawladda Kenya, waxaana wafdiga hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i.
Wafdiga oo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegay in uu soo dirayay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Wafdiga Kenya ka yimid oo ka kooban shan xubnood, ayaa madaxweyne Farmaajo ku wareejiyay farriin ay ka sideen Madaxweynaha Kenya iyagoo ka wada hadlay sidoo kale caadiyeynta xiriirka labada waddan.
Booqashada wafdigan ee Muqdishu ayaa imanaysa iyadoo xiisad kacsan ay ka jirto xuduudda Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ka dhalaty iska horimaad dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidan uu hoggaamiyo wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Jannan oo saraakiisha waqooyi Bari Kenya sheegeen inuu ku sugan yahay magaaada Mandera ee dalka Kenya.
Dowladda Kenya illaa hadda kama hadlin wafdiga Kenya ka yimid ee soo gaaray Muqdisho.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia