Baladxaawo (RH)-Waxaa goor dhaw joogsaday dagaal xooggan oo saaka ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo taabacsan maamulka Jubbaland ku dhexmaray duleedka magaalada Beled Xaawo, gaar ahaan xuduudda ay la leedahay degmada Mandheera.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro labada dhinac ah.
Weriye ku sugan magaalada Mandheera ayaa BBC sheegay inuu arkay dhaawacyo isugu jira dad rayid ah iyo askarta Jubbaland oo la geeyay cisbitalka weyn ee magaladaasi.
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad shacab ah oo gudaha Beled Xaawo ku soo dhaweynaya ciidamada dowladda.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia