WASIIR ITOOBIYAAN AH OO KA HADLEY ARIMAHA (MOU) GA.

RH: Wasiirul dawlaha  Maaliyadda Itoobiya, Dr. Eyob Tekalign, wuxuu ka hadlay heshiiska ay Itoobiya iyo Somaliland wada galeen, isagoo ku tilmaamay heshiiskaas mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka wuxuu sheegay in heshiiskan uu sidoo kale ku saleysan yahay horumarinta dekedaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee labada dal, taas oo fursad weyn u ah Itoobiya in ay hesho marin-badeed cusub, isla markaana kor u qaadeysa iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha​   isha warka (ENA,ENA).

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in heshiiskan uu yahay guul weyn oo Itoobiya u horseedaya in ay ka faa'iideysato kheyraadka badda, taas oo sidoo kale wax weyn ka beddeli doonta xiriirka caalamiga ah ee Itoobiya​ .

Warbixintan ku saabsan heshiiska u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa la daabacay 28-ka August 2024. Warka waxaa lagu faafiyey ilo kala duwan, oo ay ka mid yihiin (ENA) IYO /​(Fana Broadcasting)

Category