Wasiirkii labaad oo ka tirsan HirShabeeella oo u dhintay Cudurka COVID19

Muqdisho (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarrunta maamulka HirShabeelle, waxa ay sheegaaan in halkaas uu ku dhintay wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Axmed Cumar Gaaboow.

Marxuumka oo sidoo kale ahaa xildhibaan ayaa maalmahaan ku xanuunsanaa magaalada Jowhar.

Illaa hadda ma cadda wax yaabaha uu u dhintay wasiirka, laakin saraakiil ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa idaacadaha maxalliga u sheegay in lagu arkay calaamado muujinaya cudurka safmarka ah ee COVID19.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waarre ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiirka, waana wasiirkii labaad oo ka tirsan HirShabeelle uu u dhintay cudurka COVID 19 oo Soomaaliya uu ku dilay dad ku dhow 400 oo qof halka in ka badan 40 ay u dhinteen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category