Dhuusamarreeb (RH)-Xildhibaannada Galmudug ayaa goordhow madaxweyne u doortey Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Qoorqoor ayaa waxa uu heley 66-cod, waxana musharraxa ku xigey oo ahaa Cabdullaahi Axmed Samater uu isna heley sagaal cod.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada.
Madaxweynaha maanta lagu doortey Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu wadahadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta.
Waxa uu u mahad celiyey dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug sigaar ah hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca oo uu sheegay in heerkaan ay soo gaarsiiyeen in la dhiso Galmudug.
Sid kale, isla maanta waxaa madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Daahir Ciid oo helay 46 cod.
Dhinaca kale, War saxaafadeedyo kasoo kala baxay madaxtooyada Soomaaliya, xafiiska ra'iisal wasaaraha, duqa Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay Axmed Cabdi Kaariye doorashadiisa, waxaana madaxweynaha cusub ugu baaqeen inuu ka shaqeeyo sidii loo dhameen lahaa khilaafka ka jira Galmudug loona heli lahaa Galmudug loo dhan yahay.
Qoor ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee Galmudug yeelato, iyadoo horrey garabka Ahlu Sunna ay madaxweyne u doorteen Sheekh Macallin Shaakir Xasan Cali.
Sidoo kale, madaxweyne saddexaad ayaa la filayaa inay doortaan garabka Xaaf ee fadhiya magaaalada Gaalkacyo.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia