Madaxweynaha DDSI Oo Xilkii ka Qaaday wasiirkii Warfaafinta

Jig-jiga(RH)Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar)ayaa  maanta Xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada Warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilkaasi u magacaabey Cabdilaahi Maxamed Mowliid oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey DDSI.

Xilka Qaadista wasiirkii wasaarada Warfaafinta ayaa imanaysa xili khilaaf cusubi soo kala dhexgalay Dowlad Deegaanka iyo Dowlada Fadaraalka itoobiya  gaar ahaana Gudoomiha Xisbiga, Ahna Wasiirka Wasaarada Maaliyada Federaalka Itoobiya Axmed Shide

Khilaafkan u dhexeeya Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar Cagjar iyo Gudoomiha Xisbiga Dowlad Deegaanka Axmed Shide ayaa salka ku haya qaabka loo qaybsanayo Xubnaha golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in dhawaan la qabto shirweynihii Xisbigaasi.

 

Category