Nairobi (RH)-Ilo xog-ogaal ayaa sheegaya madaxwayne Farmaajo in cadaadis badan ay ka soo wajahday waddamada Mareykanka iyo Ethiopia oo ku qasbaayey inuu oggolaado In kiiska Badda lagu dhameeyo wada hadal dhexmara Somalia iyo Kenya lahana soo celiyo maxkamadda ICJ-da dacwadda ay qaadayso.
Madaxwayne Farmaajo ayaa dowladdahaan hada u arka iney la yihiin saaxiibbo dhow dalabkooda waa uu ka oggolaaday lakiin shuruud ayuu uga dhigay in taas baddelkeeda loogu fuliyo saddex arrimood.
1) in asaga aan la Soo xigan oo aan la sheegin inuu ku qancey arrintaas isagoo inkiraya Marka uu la hadlaayo dadka Soomaaliyeed si hoose ayaa dhanka kale u socotaa howshu, ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegaysa in kiiska ay iska wareejisay oo wadahadal lagu xalinayo.
Madaxwayne Farmaajo ayaa oggolaadey sida loo qaybsan doono khayraadka Shidaalka ah ee halkaas laga Soo saari doono qaybsigaas oo noqon doona in Somalia lasiiyo 40%, sidoo kale Kenya in lasiiyo 40% halka 20% lasiinayo Shirakado ay wada leeyihiin Norway iyo Mareykanka oo howshaas fulinaya.
2) In doorashadii Axmed Madoobe Kenya si cad uga soo horjeesato lagana Soo qaado Doorashadii dhacdey waxaba kama jiraan.
3) in Kenya ay xaqiijiyaan in 100% ay ku garab istaagayaan sidii uu markale ugu Soo bixi lahaa Doorashooyinka 2020, madaxweyne Farmaajo, lana qabto doorasho Qof iyo Cod ah (ONE MAN ONE VOTE) taas oo ka dhacda Keliya gobolka Banaadir.