Dibadbax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay bannaanbax kooban oo ay dhigeen dad ka caraysan waddooyinka weli xiran ee caasimadda.

Goob-jooge ayaa u sheegay Radio Hormuud, in uu arkay dibad-baxayaal careysan oo dhagxaan tuuraya kuwaasoo xiray qaar ka mid ah wadooyinkaMuqdisho, sidoo kal dadkan ayaa gaadidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay.

Dadka dibadbaxayay waxaa ku jiray darawallada gaadidka,waxaana ay la haayeen waxaa ka xunahaya wadooyinka weli xiran.

“Canshuur ayaan bixinaa haddana wado aan marno ma leh, waan soco weynay, ee waa in gawaarida kale istaagaan” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah darawalada dibad-baxayay.

Qof kale ayaa sidan yiri "Annaga waxaa ka mid nahay dadka ugu badan ee canshuuraha bixiya sidaas oo tahay oo dhib badan ayaa ku jirnaa waddooyinka ayaa xiran muddo ka badan labo sanno"ayuu yiri qof ka mid ah dadka magaalada Muqdisho deggan.

Wadooyinka dibadbaxa uu ka dhacay waxaa ka mid ah isgoyska Zoobbe, xaafada Buulo-Xuubeey iyo qaar kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Muxumed Maxamed (Cumar Filish) ayaa markii xilka loo magacaabay waxyaabihii uu ballan qaaday in qaban doono waxaa ka mid ah inuu furi doono wadooyinka xiran ee ku yaalla Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category