Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ku dagaallamay goballada dhexe

Dhuusamareeb(RH)-Dagaal kooban ayaa maanta ka dhacay degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii magaalada ay tageen wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye kuwaasoo ka yimid magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa isku dayay in ay is hortaagaan wafdiga wasiirka arrimaha gudaha, balse markii dambe waxaa magaalada la wareegay ciidamada dowladda.

Dagaalka labada dhinac ayaa muddo kooban socday, waxaa la sheegay in ciidamadii Ahlu Sunna ay ka baxeen magaalada.

Dhinaca kale, isku dhac kale ayaa ka dhacay degmada Guriceel oo ka tirsan gobalka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, waxaa jira khasaare soo gaaray dad rayid ah.

Isku dhaca ayaa yimid kaddib markii ciidan Ahlu Sunna ay ku amreen ciidamada dowladda in ay hubka dhigaan halkaasna dagaal uu ka billowday.

Xaaladda Matabaan iyo Guriceel ayaa hadda deggan, waxaana dhacdooyinka ay ku beegmayaan xilli dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna ay isku maandhaafsiisan yihiin dhismaha maamulka loo dhan yahay oo loo sameeyo Galmudug.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category