63 kr oo ay dhaceen ayay ku muteysteen in dalka laga mastaafuriyo

RH Kolding: Sida uu qorey maanta bogga wararka ee  TV2,  laba nin oo midkood lagu sheegey in uu haysto dhalashada dalka Turkiga ayaa maxkamad ku taala degmada Randres ee wadanka Denmark ay ku xukuntey 9 bilood oo xabsi ah iyo in dalka laga mastaafuriyo, labadan nin oo da'doodu kala tahay 17  iyo 18 sanno ayaa dhac u geystay ninkale oo dhenish ah 1.sep.19 saacadu markii ay aheyd 04:00 subax nimo isaga oo maraya jid ku yaala  magaalada Randers, waxay markii hore iyaga oo u hanjabaya waydiisteen in uu lacag siiyo markii uu diidey dhirbaaxo  iyo feedh ayay la dhaceen waaney kala tuureen iyaga oo ka qaadey 63 kr = 9 usd  goobtiina ka baxsaday  sida uu  xaqiijiyey booliiska bariga yuland ,

kama dambeys waa la soo qabtey waxaana jeebkooda laga helay 11 kr taas oo loo celiyey ninkii lahaa,   waxa uu booliisku sheegay in ay dambiyo hore galeen labadan wiil.

Sikastaba ha ahaatee maanta ayay maxkamada degmada Raders  ku xukuntey 9 bilood oo xabsi ah iyo in dalka laga mastaafuriyo.

Kii waynaa ee 18 jirka ahaa markiiba ambiil ayuu ka qaadtey xukunka halka kii 17 jir ka ahaa uu sheegay in lasiiyo wakhti uu ku fikiro.

 

xogta warka . Ritzau

Tarjumaada. Mohamed-amin

 

Category