Ra'isul Wasaare hambalyo u diray wiil yar oo xafladdiisa dhalashada kali ku noqday

Aabe u dhashay dalkaasi Canada ayaa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu welwel ugu muujinayay wiilkiisa oo 11 sano jir ah oo aysan dhalashadiisa soo xaadirin saaxibadii laakin naasib wanaag qoraalkaasi ayaa dad badan soo jiitay oo aad looga falceliyay.

Jason Foster ayaa qalbigiisa ka hadlay isagoo ay saameyn ku yeelatay xafladda dhalashada ee wiilkiisa Kade Foster oo aysan soo xaadirin saaxibadii.

Kumanaan qof ayaa ka soo jawaabay qoraalkii uu barta Twitter-ka ku qoray wiilka yar aabihii oo sidan u dhignaa: ''Waxaan saaxibadayda Twitter-ka ka codsanayaa in maanta wiilkayga aad u muujisaan jacayl''.

Dadkii ka soo jawaabay qoraalkaasi waxaa ka mid ahaa dad caan ah oo ay ka mid ahaayeen Rai'sal-wasaare Justin Trudeau, Ben Stille oo ah majaajilayste iyo xidigaha cayaarta barafka ee hockey.

Qoraalkii Jason Foster ee Twitter-ka, 18 kun oo goorl ayaa wadaagay, iyadoo sidoo kalana calaamadda laaykta loo yaqaan la saaray in ka badan 100,000 oo goor.

Mr Foster qoraalka uu dhigay Twitter-ka waxa uu raciyay sawirka wiilka yar oo kaligii hortaagan doolshadii loo sameeyay xafladdiisa.

Foster ayaa sheegay inuu helay jawaab uu aad ugu farxay oo micna weyn u sameynayso wiilkiisa ''Maalintaan waligeen ma iloobi doonno''

Happy 11th Birthday Kade! All your friends on the team look forward to celebrating with you. I’m hearing it’s going to be quite the surprise.

We can’t comprehend what has happened today. Kade and the rest of us are just amazed. To EVERYONE who sent Kade a message - thank you from the bottom of our hearts. He is an amazing son and he will never forget this day. 

source. BBC

Category