RH. Kolding: Maallintii Salaasadii 5. Nov ayey aheyd markii Booliiska degmada kolding wadooyinka istaagey si uu u hubiyo in wadayaasha baabuurtu sharciga dhawrayaan iyo inkale.
Nasiibdaro 53 darawal ayaa lagu qabtey falal sharciga baalmarsan 7 saacadood gudahood.
Booliisku waxa uu ganaax iyo liisanka oo laga dalooliyo u qeybiyey 25 qof.
13 kamid ah waxa ay ku wadeen baabuurka xawaare sare, labo waxaa lagu ganaaxey in aanu suunku uxidhneyn, laba liisan koodii ayay soo ilaabeen, 1 qof waa uu sakhraansanaa, 1 qof laydh cas ayuu iska dhaafey, halka ay qaar kale telefoon ku hadlayeen ama ay Ipad gacanta ku hayeen .
Marka hawlgalkan oo kale la sameeyo maaha wax la’la yaabo in waxyaabahan oo kale uu booliisku la kulmo ayuu sheegey madixii heeganka Booliiska koonfur bari Yuland waxaase uu dadweynaha ku wacyi galliyey in ay sharciga dhawraan si ay uga baaqadaan in loo ciqaabo.
Diyaarinta warka
Mohamed-amiin Siyad Abdi