Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sh Maxamuud oo tegay Beledweyne

Beledweyne(RH)-Magaalada Beledweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan, waxaa maanta duhurkii tegay wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga ay hoggaaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tegay magaalada Muqdisho, waxaana Beledweyne u tegeen sidii ay uga qaybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne saameeyeen.

Wafdigan ayaa ka hor inta aysan gaarin Beledweyne waxaa lagu hakiyay garoonka caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaaraddii qaadi lahayd loo sheegay in aysan qaadin wafdiga balse markii dambe ayaa la fasaxay.

Arrintaas ayaa keentay hadal heyn badan oo dhanka baraha bulshada.

Wafdiga ay hoggaaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Dhowaan ayaa madashada Xisbiyada Qaran oo hoggaamiye u yahay Shariif Sheekh Axmed waxay ku dhowaaqeen inay lacag dhan 200 kun oo doollark ay ugu deeqayaan dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Dhinaca kale, waxaa baaqday wafdi uu hoggaaminyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta tegi lahaa magaalada Beledweyne.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category