Safar qarsoodiya oo uu wasiirka arimaha dibadu ku tagey Soomaaliya ayuu 1 bilyan ku deeqey isagoo dibu cellintana kamuquurtey.

RH. Kolding: Wasiirka arimaha dibada Denmark Jeppe Kofod ayaa bilawgii todobaadkii hore safar kugaadhey  bariga Afrika , markii uu Soomaaliya marayey waxa uu u balanqaadey 1 bilyan oo karoone inuu siinayo.

Lacagta ayaa badh kamid ah lagu bixidoonaa xafiis Rasmiya oo ay Denmark ku yeelan doonto gudaha  dalkan baahida wayn u qaba arintan, siga lagu sheegay warka telefishinka koowaad ee Denmark. (DR)

Wasiirku wuu diidey in uu wax kayidhaahdo in ay Denmark heshiis lagaleyso Soomaaliya si ay lacagtan ugu badalato wax kale tusaale ahaan cellinta muwaadiniinta u dhashey Soomaaliya ee Denmark laga diido.

Waxaanu ka qeybqaadaneynaa xasilinta guud  Soomaaliya  qodobka ku saabsan dib usoo cellinta waxba halkan kaga odhanmaayo, kumana jiro fileka aan sito, ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada ee Denmark Jeppe Kofod oo shir jaraaid qabtey kadib kolkii uu kasoo baxey kullan gaar ah oo uu la lahaa wasiirka arimaha dibada ee dalka Jarmalka Heiko Mass.

Tani waa talaabo kuwajahan aragtida cusub ee Dawlada Denmark  ee qaarada Afrika taas oo aanu kashaqeynayno billaha soo socda.

Ka wasiir ahaan waxaa aan ku hawlanahey in aan hubiyo ama xaqiijiyo shardiga ah nabadgalyada , Si ay nabad ugu noolaankaraan dalkooda gudihiisa, waa in  marka hore laga badbaadiyo dhagaraha Alshabaab iyo kooxaha kale ay la maaganyihiin ayuu yidhi Jeppe Kofod.

Demmark waxa ay wakhtigan xaadirka ah isku dayeysaaa in ay suurto galliso mastaafurinta soomaalida loo diidey magangalyada qodobka dibu celintuna waa go’aan siyaasadeed oo miiska saaran.

nnkjui

Maxkamada xuquuqda aadamahu dhawaan qiimeyn ay soo saartey waxay ku sheegtey i aanay wixii hada ka dambeeya khatar ku galeyn Soomaalida dalkooda dib loogu celiyaa.

Tan iyo sannadkii 2017 kii waxaa qiimey lagu sameeyay 1100 ciqaamadadood oo ay soomaali Denmark ku nool hore loo siiyey . 212 kamid ah dib ayaa loola noqdey halka 28 qof na loo mastaafuriyey soomaaliya sida uu qorey wargeyska Berlingske.

Wasiirka arimaha dibada ee Denmark ma uu dhaafin gudaha gagida dayuuradaha ee Aaden Cadde maadaama oo ay jirto cabsi laga qabo Alshabaab oo mararka qaar weerarta goobaha istiraatijiga ah inkasta oo muqdisho laga saarey.

Warkan waxaa qortey wakaalada wararka ee Denmark ee magaceeda loo soo gaabiyoRitzau.

 

Waxaa tarjumey Mohamed-amin Siyad Abdi

Category