RH: Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo hortagay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo in sanad kadib ay dalka ka dhacaan.
Swan ayaa sheegay in indhaha lagu wada hayo doorashada 2020-ka, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in barlamaanka uu meel mariyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso iyo in al dhaqangeliyo wax ka badelkii lagu sameeyay xeerka axsaabta siyaasadda kahor dabayaaqada Disembar.
"Dib u dhac ku yimaada hannaanka doorashada ee Soomaaliya waxay khatar gelineysaa geedi-socodka doorashada 2020", ayuu yiri Swan.
Hasayeeshee waxaa uu Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku bogaadiyay dhaqaalaha ay u qoondeesay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
"Inkastoo horumarka farsamo ee la sameeyay uu yahay mid ifafaalo wanaagsan muujinaya hadana waxaan hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sameeyo iskaashi siyaasadeed oo ku aadan hannaanka doorashada sanadka 2020-ka; iyadoo taas ay jirto waxaan aad u bogaadinaya kulankii ay maalma kahor ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iy madaxdii isaga ka horeesay",ayuu raaciyay hadalkiisa.
Swan ayaa waxaa kale oo uu soo hadal qaaday qaabka loo wajahayo doorashada, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dadweynaha ay aragtidooda dhiibtaan, shirar ay qabsan karaan, fursadna ay ka heli karaan warbaahinta.
Guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya maxaa u qorsheysan?
Image captionXaliimo Yarey- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya
Xilli doorashada Soomaaliya ay ka hadhay sanad ayaa wali waxaan kala cadeyn nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo, maadaama sharciga doorashada uu horyalao barlamaanka, dhawaanna la filayo in uu go'aan ka gaaro.
Guddoomiyaha barlamaanka ee Soomaaliya, Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa guddi ka soo tala bixiya nooca doorashada u saaray, guddigaas oo booqasho ku tegay maamulada dalka, si ay usoo ogaadaan aragtidooda ku aadan doorashada.
Hasayeeshee guddiga doorashada ee Soomaaliya oo ay guddoomiye u tahay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in haddii barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada, ay diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaabaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
"Tallaabada xigta waxaa waye in aan helno shuruuc, doorasho, dastuurka kumeel gaarka ahaa waa jiraa, sharciga gudidga doorashada uu ku shaqeynayay waa jiraa, waxaa naga maqan sharciga doorashooyinka oo barlamaanka horyaalla, oo noo madalsan in aan helno bisha Diseemabr, tallaabada xigta waxaa waaye in aan sameyno diiwaangelinta", ayay BBC-da u sheegtay Xaliimo Yarey.
Waxay intaa raacisay in shaqa badan ay qabteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena aan loo baahneyn tirakoobka dadka oo ay tirakoobayaan dadka codeynaya.
"Tirada aan helno ee Soomaaliyeed ee timaada goobaha codbixinta aan cayimi doonaa oo nabadgelyada iyo siyasadda noo saamaxdo ayaa sheegi karn inta qof ee aan diiwaangelinay, annaga waxaa ku hamineynaa ilaa laba milyan oo Soomaali ah ama ka badan in aan helno", ayay raacisay.
Image captionABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME
Qaabka ay doorashada uga dhici doonto dhulka ay maamulaan Al Shabaab iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaaninnida ee Somaliland ayay sheegtay in lagu qeexi doono sharciga doorashada oo haatan horyaalla baarlamaanka.
Inkastoo guddiga doorahsada uu u muuqdo in uu doonayo in dalka uu ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, haddii barlamaanka uu meelmariyo sharciga doorashada ee horyaalla ayaa hadana qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda waxaa ay su'aal geliyeen suurtagalnimada arrintaas.
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo maalma ka hor la hadlay BBC-da ayaa sheegay in taas aysan suurtagal ahayn.
"In doorasho qof iyo cod ah dalka looga qabto, waa in tirakoob la sameeyo, diiwanagelin in la sameeyo, sharciga jinsiyadaha in la sameeyo, dhaqaalaha waxaas oo dhan sababi lahaa la helo, in heshiis siyaasad la gaaro oo dhinacyada siyaasadda oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda ay gaaraan", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur.
Wuxuu intaa ku daray in doorasho qof iyo cod aysan maangal ahayn iyadoo intaas oo dhan ay maqan yihiin.
source.BBC