Qoys ku nool meel ku dhow deegaanka Yoonbays oo 100km u jirta magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, ayaa la kulmaya arrin la yaab leh oo argagax ku abuurtay.
Reerka waa xoolo dhaqato. Sida ay sheegeen, wax aan la arki karin ayaa bireynaya arigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan ciidda waxaas sameyneysa. Ariga qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha ama lugaha.
Cabdiwali Faarax Warsame oo ah aabaha qoyskaas ayaa BBC Somali u sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah.
"Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan," ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in "la soo qaado neefka oo bireysan, la geeyo guriga ama qeyb ka mid ah la soo gooyo oo loogu geeyo gurigooda."
"Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran."
Cabdiwali wuxuu BBC Somali u sheegay in shalay ay seddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale.
"Arigaa birtu ku billaabatay wuu badnaa, neefkii ugu dambeeyay hadda ayaan dul taaganahay," ayuu ku sheegay wareysiga uu siiyay BBC.
"Ma aanu maqal dhacdadan oo kale cid ay horey ugu dhacday, horeyna umaynaan arag, wax sheegayana ma jiraan", ayuu yiri Cabdiwali.
"Wax aan ognahay oo cillad ah ma jirto, waan baarnay waana waynay. Ma ogin wax sabab ah oo kallifaya in sidan wax noqdaan", ayuu yiri.
Sida uu sheegay, ma jirto cid aragtay waxa arrintan sameynaya. "Wax loo jeedo ma ahan. Neefkii oo dhiig uu ka baxayo unbaa la arkayaa".
Wuxuu intaa ku daray in uusan ka shakisanayn in dad caadi ah ay arrintan ka dambeeyaan. "Waxaan arkeynaa neefkii oo dhaawac ah mararka qaar, oo cidina aysan la joogin, mididiina ay ag taallo"."Waa midiyihii reerka. Anagu waanu waynay dhammaan midiyaha; gebigoodaba waala waayay", ayuu hadalkiisa ku daray.
Reerkan ayaa billaabay Quraan akhris. Waxay u yeerteen afar wadaad oo 30-ka jus dhammeeyay, balse "weli arrin
tii way socotaa", sida uu aabaha reerkaas xaqiijiyay.
"Waxaanu keennay wadaado kale oo afar ah, iyaguna Quraan bay akhriyeen, shalay galab bay dhammeeyeen. Haddana, inagoo badan waxaan sugeynaa wadaado kale oo aanu keenno".
Reerkan ayaa mar hore ka guuray xeradii ay degganaayeen. Meeshii ay degeen ayey "arrintan la yaabka leh uga daba tagtay".
"Laba habeen ka hor ayaan u raray (reerka) xero kale oo cusub, oo illaa 24km u jirta (meeshii hore)", ayuu yiri. laakiin xaalladii way daba socotaa.
"Alle baryadiisa iyo Quraanka akhrin ayaan badsanayaa. Alle isagaa waxan naga dul qaadi kara", ayuu yiri Cabdiwali Faarax Warsame.
source. source BBC