Muqdisho (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaley dib u furtay machadkii diblomaasiyadda kaasoo ku burburay dagaaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Munaasabadda dib loogu furayay machadka waxaa ka qaybgalay danjiraha Qadar ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiin iyo marti sharraf kale.
Dhaqaalaha lagu dhisay machadka waxaa bixiyay dowladdaa Qatar, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka mid ahaa masuuliyiinta xarriga ka jaray machadka.
Machadka ayaa la dhisay sannadkii 1986, waxaana loo aasaasay inuu soo saaro diblomaasiyiin Soomaali ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia