Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta oo Axad ah lagu soo gabagabeeyay carwada bandhigga beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo saddex cisho soconaysay.
Carwada inta ay socotay waxaa ka qaybgalay beeralay, ganacsato iyo khubaro dhinaca beeraha oo kala matalayay Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana goobta ay ku soo bandhigeen qalab kor u qaadaya wax soo saarka iyo agabka beeraha.
Howlwadeeno ka socday jaamacadda Zamzam ayaa bandhigga inta uu socday cilmibaaris ku samaeeyay noocyada dallag ee ka soo go'a Soomaaliya, taasoo ay la wadaageen ganacsatada Soomaalida iyo Turkida ee ka qabgalay bandhiggan.
Carwada beeraha ee Muqdisho lagu qabtay, ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay shirkado ka socday waddamada Yemen iyo Masar kuwaasoo soo bandhigay qalabka bacriminta dhulka iyo la dagaallanka cayayaanka.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia