Garowe (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah ka furmay shir looga hadlayo sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas waxaa baahisay waakaaladda dowladda u faafisa ee SONNA.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya waxgarad matalaya Somaliland iyo guddiga dhab u heshiisiinta ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya shirka ayaa lagu wadaa inay is dhaafsadaan aragtiyo ku aadan sidii wada-hadalladaas loo amba-qaadi lahaa, isla markaana loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Somaliland.
Muddo badan ayey hakad ku jireen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo ay soo anba qaaday dowladdii Xasan Sheekh, laaakin wixii xilligaas ka dambeeyay labada dhinac kulan fool ka fool ah ma yeelan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia