Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof.
Bannaanbaxa waxaa soo qaban qabiyay mamulka gobolka banaadir, waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiin ka tiran dowladda.
Dhammaan madaxdii ka hadashay bannaanbaxa ayaa waxay si kulul u weerareen ururka Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaas.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in aan laga hari doonin Al-Shabaab oo weerarkaas uu ku eedeeyay in ay fulisay isla markaana aan aysan ka aqbali doonin in Turkiga uu yahay dal cadow ah. .
"Ma oyeeyno ee waan aarsaneynaa'",ayuu yiri duqa Muqdisho Cumar Filish.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in banaanbaxan uu yahay mid ay ugu baroordiiqayaan shacabkii lagu xasuuqay weerarkii qarax ee sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia