Muqdisho (RH)-Duqa caasimadda Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo Arbaco ah la kulmay guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey), iyaga oo kawada hadlay u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka soo socda.
Labada masuul ayaa kawada hadlay qorshe uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay maalahana wadeen oo ku saabsan diyaargarowga doorashooyinka 2020-ka illaa 2022-ka.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaley la kulmya guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Candullaahi, iyagaoo ka hadlay hawlaha guddiga kala dhexeeya Aqalka Sare oo ay ka mid tahay warbixinta 4 bilood laha ah ee guddiga uu horgeeyo Golaha 4tii biloodba mar.
Maamulka gobalka banaadir ayaa wada qorshe ku saabsan sidii loo shaacin lahaaa maqaamka caaasimadda Muqdisho, arrintanna waxaa looga hadlay dhawaan kulamada baarlamaanka.