Madaxda maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir uga furmay Baydhabo

Baydhabo (RH)-Magaalada Baydhabo waxa maanta oo Talaado ah ka furmya shir ay lee yihiin madaxda Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelele.

Shirka oo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Madaxweyne Koonfur galbeed Cabdicsiiss Laftagareen ayaa maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.

Mid kamid ah Safiirada Midowga Yurub ee shirka ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay dowlad Goboleedyada ka caawiyaan wixii ku saabsan arrimaha Amniga iyo horumarka.

Shirkaan oo socon doona muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in geb-gabada laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadley ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ka hortegida fatahaada Wabiga Shabeelle.

Radio Hormuud

Studdio 3

Mogadishu Somalia

Category