Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray wafdi isimo iyo siyaasiyiin ah oo ka kala yimid Puntland iyo dalka Itoobiya.
Wafuudan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ku soo dhaweeyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo duqa Muqdisho.
Isimada iyo siyaasiyiinta soo gaaray Muqdisho ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo nabadgalyada iyo isku soo dhaweenta umuadda Soomaaliyeed.
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamid ah isimada timid Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in booqashadooda ay la xiriisto sahan guud oo ku aadan siddii nabad looga dhalin lahaa gayiga Soomaaliya. soo dhaweeyay ayaa warbaahinta la hadlay.
Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan isimada Puntuland iyo isimada dowlad deegaanka Soomalida Ethaipia.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia