Booliska Soomaaliya oo ka codsaday Interpol in lagu caawiyo soo qabashada Cabdrashiid Janan

Muqdisho (RH)-Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warqad ku socota booliska adduunka ee Interpol, si loo soo xiro wasiirka amniga Jubbaland Cabdrashiid Janan oo dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warqadda ayaa sidoo kale dowladda Kenya looga codsaday in ay dowladda federaalka u soo gacangaliyaan wasiirkan baxsaday.

Janan ayaa hadda la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo una dhow xadka Soomaaliya.

Ma cadda sida Interpol ay dowladda ugu caawin doonto soo qabashaada Janan oo hadda ku sugan Soomaaaliya, iyo sida dal saddxaad gacan uga siin karto Booliska Somalia soo qabashada wasiir amniga Janan.

Ciidanka Boliiska Somaliyeed ayaa soo saaray Warsaxafadeed la xiriira iyo wixii ka soo kordhay kiiska edeeysane Abdirashid Xassan 'Janan'.

Illaa hadda dowladda ma faah-faahin sida uu ku baxsaday wasiir Janan iyo cidda ka caawisay inuu baxsado.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category