Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la dhigay qalabka lagu baaro Feyriska Caroona

Muqdisho (RH)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta billowday in ay baaritaan caafimaad ku sameeso dadka safarka ee isticmaalaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si looga hortago feyriska cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha ee Caroona.

Howlwadeeno caafimaad oo loogu talagalay in ay baaraan dadka ka soo dagaya garoonka ayaa la sameeyay waxaana ay baarayaan dadka soo degaya iyo kuwa dhoofaya.

Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka  diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibadda.

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya

Inta la ogyahay 425 qof,ayaa u dhintay feyriska Carona ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, labo qof ayaa u dhintay feyriska meel ka baxsan Shiinaha, waxaana waddamadaas ay kala yihiin Hong Kong iyoFilibiin maalintii.

Sida ay hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO, sheegtay illaa 64 qof ayaa u dhintay feyriska Caroona 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category