Hoggaanka Ahlu Sunna oo isku dhiibay maamulka cusub ee Galmudug

Dhuusamarreeb (RH)-Maamulka cusub ee Galmudug ayaa shaaciyay in la qabtay hoggaankii Ahlu Sunna iyo dhammaan askartii ay lahaayeen, kaddib markii shaley magaaalada uu ka dhacay dagaal qasaare naf iyo maalba geestay.

Afhayeenka Galmudug, Cismaan Nuur oo loo yaqaanno (Taardhuleed) ayaa warbaahinta u sheegay in hoggaankii Ahlu Sunna ay gacanta ku hayaan isla markaana haddana laga arrinsanayo sida laga yeelayo.

Dhinaca kale, Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah masuuliyiinta sare sare Ahlu Sunna ayaa sheegay in ciidankooda ay ku wareejiyeen taliyaha guutada 15-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku sugan goballada dhexe, isla markaana taliyaha ciidamadaas Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame uu ballan qaaday in ay amnigooda la wareegaan.

Sheekha ayaa sheegay in u tanaasuleen danta shacabka waa sida ay hadalka u dhigay.

Xaaladda magaalada ayaa maanta degan, waxaana dagaalka magaalada ka dhacay ku dhintay in ka badan 24 qof oo u isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Dadkii magaalada ka qaxay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada, waxaa kale oo dib loo furay goobaha ganacsiga ee xirnaa intii dagaalka uu socday.

Ahlu Sunna oo magaalada kula dagaallamay Al-Shabaab ayaa in muddo ka arriminayay magaalada Dhuusamareeb.

 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category