Denmark: Baskii ugu horeeyey ee iswada oo ka hawlgaley magaalada Aalborg

RH: Magaalada Aalborg( olbo) ee wadanka Denmark maanta waxaa ka hawlgalley oo xadhiga laga jarey baskii ugu horeeyey ee rakaab  kaas oo aan wax wadde ah laheyn balse isagu is wada.

Wasiirka socdaalka ee wadanka Denmark Mr.Benny Engelbrecht ayaa khudbad kooban ka jeediyey xafladii furitaanka 

Baskani waxa uu ka shaqeyndoonaa bariga magaalada Aalborg ilaa meesha la yidhaahdo Astrupstien , dadweynuhuna waxa ay ku raaci karaan lacag la'aan kaas oo ukala gooshin doona baraha A iyo B.

Wasiirka ayaa khudbad uu goobta ka jeediyey kadib isagu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee raacey baskaas aan wadaha laheyn.

Kama cabsiqabo in aad baska raaco waxyar kadib, mudo dheer ayaan sugayey fursadan, baska waa la tijaabiyey,waana la hubiyey bedqabkiisa socdaal ayuu ku yidhi  wasiir Benny Engelbrecht khubadiisa.

Baskani waxa uu u fududeyn doonaa dadweynuhu in ay ku dhex safraan magaaladan gaar ahaan waayeelka oo goobtan kubadan waxaan rajeynayaa in talaabadan ay ku dayandoonaan magaalooyinka kale ee wadanka Denmark ayuu wasiiku hadalkiisa sii raaciyey.

Mr.Christian Bering oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Holo oo iyadu ka dambeysay hirgalinta mashruucan ayaa xafladii furitaanka ka sheegay in ay ilaa hada ku safreen basaska noocan ah 30.000 km isla markaasina ay isticmaaleen 40.000 oo rakaab ahi gudha qaarada yurub waxa aanu diyaarinay laba bas oo is waydaaran doona, basaskan oo ku shaqeyn doona Beetari waxaa la dabeyn doonaa 8 saacadoodba hal mar ayuu yidhi.

Labadan bas midkasta oo kamid ahi waxa uu qaadi doonaa 11 rakaab ah , waxaanu socon doonaa  markiiba ilaa 2,1 km isaga oo istaagi doona 11 maxado. Baskan xawaaraha ugu sareeya ee uu jari doonaa waa 18 kilometer saacadii.

waxaanu dhaqaaqi doonaa 15 daqiiqaba hal mar , ama  saacadii afar jeer.

Basku waxa uu qaab tijaabo ah uga shaqayn doonaa magaalada Aalborg labada sanno ee soo socda waxaana lagu raaci doonaa lacag la aan sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawlada hoose .

Busku waxa uu leeyahay qalab casriya oo u sahlaya in uu jidka ku hago iyo mid tusaya dhamaan waxa hareerihiisa marya baaxad dhan 60 mitir.

wasiirka ayaa hada saxeexi doona waraaqo shaciyeynaya in baskani si sharci ah uga hawlgali karo dalka Denmark.

Gaadiidka dadweynaha ee aan wadaha laheyni kuma cusba Denmark , Tareenada dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaano Metro ee ka shaqeeya Kobenhagen gabi ahaanba malaha wade.

 

 

 

Category