Baraawe (RH)-Ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad xariga looga jarayay garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeedd.
Sidoo kale, xafladda waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubno ka socdaay midowga Yurub.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa munaasabadda ka sheegay in furitaanka garoonka diyaaradaha Baraawe uu muhiimad weyn u lee yahay shacabka gobalka Shabeellaha Hoose iyo kocabaca dhaqaalaha deegannada Koonfur Galbeed.
R'iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha Baraawe isagoo sheegay in dadka gobalka Shabeellaha Hoose in ay ka faa'ideystaan mashaariicda magaalada ay laga hirgaliyay.
Dhaqaalaha ku baxay dhismaha garoonka caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa bixiyay midowga Yurub.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo aammaanka si weyn u adkeenaya.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia