Corona: Ammaro lagu soo rogay qaar kamid ah masaajidda Nairobi

Masaajidka Jaamica ee magaalada Nairobi ayaa shaaciyay tallaabooyin uu uga hortagayo faafidda cudurka saf-marka ah ee uu keeno fayraska Corona, kuwaasoo dhaqangeliya maanta oo Talaada ah.

Golaha sare ee masaajidka ayaa war qoraal ah ku sheegay in waqti kooban loo oggolaanayo dadka ku cibaadeysta isla markaana la yareyn doono waqtiga Salaadda Jimcaha.

"Masaajidka waxa la furi doonaa 15 daqiiqo ka hor xilliga salaad kasta, waxaana uu sii furnaan doonaa 15 daqiiqo saaladda kadib, dadkuna waxa ay ka geli doonaan saddex albaab oo keliya," ayaa lagu sheegay qoraalka.

Masaajidka ayaa maalinta Jimcaha furnaan doona 12.30pm ilaa 1.25pm si ay dadka ugu gutaan salaaddaasi muhiimka ah.

Maadaama cudurkan lagu kala qaado tabashada iyo u dhawaanshaha bukaannada qaba ayaa waxaa laga cabsi qabaa in goobaha dadka ay isugu tagaan sida masaajidda ay sahli karaan inuu cudurkani aad u faafo.

Muslimiinta ku tukada masaajidka ayaa laga codsaday inay dibedda ka soo weysa qaataan, maadaama la xiri doono dhammaan goobaha weysada iyo musqulahiisa.

Masaajidka ayaa ah kan ugu weyn Kenya, waxaana maalintiiba ku cibaadeysta kumannaan Muslimiin ah.

Maamulka masaajidka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka da'da ah iyo carruurta inaysan tegin masaajidka.

Tallaabooyin noocaasi oo kale ah ayaa waxaa qaaday masaajidka Raxma ee ku yaal xaafadda Hurlingham ee magaalada Nairobi.

Jimcihii ayay ahayd markii kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka Covid-19 ee uu keeno fayraska Corona laga helay dalka Kenya.

Golaha sare ee culimada Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan fatwooday in dadka qaba fayraska Corona ay mamnuuc ka tahay Saaladda Jimcaha iyo inay xaadiraan masaajidda.

Waxa ay uga baaqeen dadka looga shakiyay fayraska inay guryahooda joogaan oo ay iskarantiilaan, iyadoo dadka ka cabsi caqaba inuu ku dhacana loo oggol yahay inay guryahoodda joogaan.

Corona oo bishii Desembar ka soo billowday Shiinaha ayaa saameeyay dalal badan oo caalamka ah iyadoo kumanaan qof ay u dhinteen.

 

isha warkan .BBC

Category