Denmark oo 1000 qof ka soo daadgureynaysa Marokko.

RH: Denmark  ayaa udiraysa dalka marokko saddex diyaaradood oo soo daadgureeya denishka ku go'doonsan halkaas, sidaas waxaa xaqiijiyey  wasiirka arimaha dibada ee Denmark Jeppe Kofod.

dalka marokko ayaa joojiyey diyaaradaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya dakooda maallintii Axadii si ay uga hortagaan fiditaanka xanuunka Corona, sidaas awgeed ayey daruuri noqotey in lasoo daad gureeyo dakaas denishka ah oo u badan dalxiisayaal .

Sida uu xaqiijiey wasiir Jeppe saddexdan diyaaradood  ayaa khamiista ka dagidoona magaalada Marrakesh , qofkasta oo ka mid ah dadweynaha go'doonsan ayaa loo sheegay in ay booking gareystaan mid kamid ah diyaaradahaas.

tirada dadka halkaas laga soo daad gureyn doono ayaa lagu sheegay in ay ka badantahay 1000 qof.

waxaa iyaguna soo gaadhey shaley Denmark 150 qof oo ay diyaarada Norwegian kasoo qaadey isla dalka Marokko,

dhanka kale waxaa jira dadkale oo ku go'doonsan dalalka koofur ameerika iyo Filippin, waxaanu wasiirku sheegay in ay wada hadal kula jiraan dalalkaas sidi xal loogu helilahaa soo daadgureynta dadkaas.

Denishka aan wali soo gaadhin Denmark ayaa loo sheegay in ay iska diiwaan galliyaan bogga interneka ee wasaarada arimaha dibada , marka ay soo galaana ay magacooda ka saaraan liistada dadka maqan wali. 

 

Diyaarinta 

Mohamed-amiin Siyad Abdi

 

Category