RH: Sida ay ku warantay safaarada UK ee magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa jira kiisas badan oo ay dad ajaaniib ahi kala kulmeen magaalada Adisababa .
Dhagax ayaa nalagu tuuray, kabta ayaa nalagaga joogsadey, gaadiidka dadweynaha ayaa naloo diidey, waana nala aflagaadeeyey, sidaas ayay ku tiraabaaneen dad ajanabi ah oo u badan kuwa kasoo jeeda dalalka Asia, sababta ayaa ah in dadkan si qalad ah bulshada loo tusay loona sheegey in ay dalka Itoobiya u yimaadeen in ay xanuunka Corona Virus ku faafiyaan.
Sida aynu ognahey labadiii kiis ee uhoreeyay caabuqa CORONA dalka Itoobiya ayaa la sheegay in laga helay muwaadiniin u dhashey dalka Jabaan.
Dhanka kale raisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiya Ahmed ayaa dadweynaha dalkiisa la hadley una sheegay in ay habdhaqankaas joojiyaan, waxaanu sheegay in uu xanuunkani yahay masiiba dunida oo dhan saameysay balse aan dal kaliya ku koobneyn, waxaanu sheegay in banii aadamnimada la dhawro oo martida si wanaagsan loola dhaqmo.