Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street.
Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii kordheen sidoo kalana waxaa sare u kacdey xumadiisa.
Raysal Wasaaraha ayaa weli mas'uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska Corona. Mr Johnson ayaa lagu wadaa in cawa uu nagaado isbitaalka.
Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii Maarso.
Raysal Wasaaraha ayaa horay muuqaal barta Twitter-ka lasoo dhigay ku sheegay inuu dareemayay calaamado yar oo fayraska Corona ah.