Soomaali badan oo qurbaha ku nool ayaa bilwalba lacag udiri jirey oo caawin jiray qoysaskooda ku nool Soomaaliya, hadaba inbadan oo ka mid ah soomaalidaas ayaan wax mushahar ah helin sababo la xidhiidha joogsada shaqooyinkii ay hayeen.
Dowladaha dalalka ay Soomaalida ku nool yihiin ee Yurub iyo Waqoyiga Ameerika ayaa soo rogay xannibaado dhaqdhaqaaqyada dadka, si loo xakameeyo cudurka COVID-19, taasi oo saameeysay dad badan oo shaqeysan jiray.
Tani ayaa saameyn adag ku yeelaneysa qoysas badan oo ku nool Soomaaliya oo ku tiirsanaa lacaga ay ka helaan ehelkooda qurba joogta, gaar ahaan xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.